Posted by admin on July 25 2010 10:25:01
25 Jul 2010 (MNA) - Sida aan la wada socono shalay ayaa waxaa sitoosa loo furay wajigii ugu horeeyay ee saddexda Kiiloomitir ee wadada isku xidhaysa Cammuud ilaa Dilla.
Guddoomiye K/xigeenka Telesom ee gobolada Awdal iyo Salel Xaaji C/raxmaan Xaaji Maxamuud Jaamac “Awgaab oo Saxaafada gobalka la hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq eebe kabacdina waxa uu Mahadnaq iyo dardaaranba u soo jeediyay Ururkan Horumarintawadooyinka Gobolada Awdal/Salal ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanoASARDA, waxa uuna sheegay in ay muujiyeen in wax la qabsan karo.
.JPG)
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay halkaas kasii wadaaan, ka shirkad ahaana in ay yihiin Shirkada Telesom mid hiil iyo hooba lagarab taagan, iyaga iyo cid ala cidii ka shaqaynaysa arimaha Bulshada, waxa uuna yidhi waa laga wada warqabaa,Gudoomiyaha Shirkada Telesom Awdal/Salal/Al-Xaaji C/qaadir Adam Nuur oo iminka Fasax ku maqan uu yahay gudoomiyihii ugu horeeyay Ururkan Asarda Markii hore loo odhan jira yarna, iminkana waxa uu sheegay in uu ka yahay ururkaan ASARDA Gudoomiye ku xigeeen.
Waxa uuna sheegay in in waqtigaa hore iyo iminkaba kaalin firfircoon kaga jira , hawlaha ay wado ASARDA, hadh iyo habeena ay garab taagnaanayaan ka shirkada ahaan, ASARDA.
Waxa uuna ugu dardaarmay ururka ASARDA in ayna ka noqon hawshani midlaabla kac ah, loona baahan yahay in gunta dhiisha ay iskaga dhigaan, halkaana kasii wadaan, waxa sidoo kale uu Gudoomiye Ku xigeenku uu mahadmaq balaadhan usoojeediyay, Gudoomiyaha Ururka ASARDA prof;Xasan Cali Cismaan ooiminka ku sugan Cariga sacuudiga, waxa uuna sheegay in uu yahay shakhsi mudan in la garab istaago, isaga iyo Xubnaha ASARDA rag iyo dumarba sida ay udhanyihiin.
Ugu danbayn waxa C/raxmaan hadalkiisii ku soo afmeeray in ayka shirkad ahaan, la garab taagan yihiin ASARDA wax ala wixii suura gal ah, ee ay ku taageerayaan horumarka ay ka wado gobolada Awdal iyo Salel.
HALKAAN KA DAAWO WARBIXIN AAN KA DIYAARINAY FURITAANKA 3-KM EE UGU HOREYSAY EE LAAMIGA AH EE ISKU XIDHI DOONTA DILA IYO BOOAMA.
http://www.youtube.com/watch?v=1kfMWKp00D0
Wariye Maxamed Cabdilaahi Dabshid Boorama, Somaliland
11 Comments · 145 Reads
·
|
adf
sadf